Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in uu is casilay Agaasimihii Wasaaradda Cadaaladda iyo Diinta Maamulka Hirshabelle Garaad Axmed Cadow,isaga oo la hadlayay Warbaahinta.
Waxa uu tilmaamay agaasimaha in Laba wasiir ay soo martay wasaaradda, islamarkaana uu la shaqeeyay, balse dhammaantood ay ahaayeen kuwo aan aqoon u lahayn shaqada loo igmaday waa sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan iscasilay markii aan waayay Wasiiro aqoon leh oo aan la Shaqeeyo,aniga waxaan u soo jeediyay talooyin dhowr ah balse weey iga qaadan waayeen,waxana go’aansaday in aan is casilo ayuu yiri Agaasimihii Wasaaradda Cadaaladda iyo Diinta Maamulka Hirshabelle Garaad Axmed Cadow”
Sikastaba tallaaabdaan uu isku casilay Agaasimihii Wasaaradda Cadaaladda iyo Diinta Maamulka Hirshabelle Garaad Axmed Cadow ayaa ku soo aadeysa xili Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle uu Shaqa joojin ku sameeyey Duqii degmada Baladweyne Cali Dhuux Cabdi Mahadale.