Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa saaka aroortii ka dhacay nawaaxiga dekeda Muqdisho halkaas oo ay ku sugnayeen dad shacab aad u fara badan oo qaar kood ay ahayeen xoogsatada dekedda.
Inta la xaqiijiyay 10-ruux ayaa ku geeriyootay in ka badan 25-kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray sida tira hor dhac ah uu saxaafada ugu sheegay Afhayeenka Gobolka Banaadir C /fitaax Xalane.
Halkaan ka dhageyso.