(SAWIRO): Faahfaahinta Qarixii saakayto ka dhacay meel ku dhow Dekedda Muqdisho.

Abaarihii 07:20 daqiiqo ayaa waxa uu qarax xooggan ka dhacay goobo ganacsi oo ku yaalla ka soo horjeeda Dekedda Muqdisho.

Dayaanka qaraxaasi ayaana laga wada maqlay guud ahaan magaalladda, iyadoo ay Uuro madow hareysay nawaaxiga uu qaraxu ka dhacay.

Tobaneeyo qof oo u badnaa Muruq-maalka ka xoogsada Dekedda ayaana ku geeriyootay qaraxaasi, halka tiro kalena ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Guddiga Muruq-maalka.

Qaraxaasi waxa uu baab’iyey goobo ganacsi, gaadiid, Dhismooyin iyo dhir ku hor beernayd Xeradii hore Boliska ee Serendi ee ka soo horjeeda Dekedda Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay Radio Dalsan waxa uu sheegay inay 10-qof ku geeriyootay qaraxaasi, kuna dhaawaceen tobanaan kale.

Waxa uu tilmaamay in gaari bas ah nooca (Hommey) oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa loo adeegsaday qaraxaasi.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan inay tirada dhimashadu gaarayso ilaa 20-qof, dhaawacana ilaa 30-kale.

Dhinaca kale, Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxaasi ka dhacay nawaaxiga Dekedda Muqdisho.

Dhinaca kale, qarixii maanta waxa uu saamayn ku yeeshay Hawlihii Dekedda, iyadoo Shaqaalaha lagu wargeliyey inaysan maanta shaqo ka jirin Dekedda, oo ay dib isaga laabtaan guryahooda.
©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor