Degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir waxa ay ka mid tahay degmooyinka dadka ku nool uu saameyn ku yeeshay roobka Deyrta ee xalay ilaa Maanta Da’ayay gaar ahaan dadka barakacayaasha ah.
Gudoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Muqdisho ayaa sheegay in xalay Roobkii Da’ay uu saameeyay dadka barakacayaasha ah isla markaana Hoygii ay deganaayeen uu Biyo dhigay taas oo keentay in qaarkood ay Guryahoodii ka carareen.
Dhanka kale gudoomiye Maxamed Ismaaciil ayaa hadalkiisa intaas raaciyay in Sacadihii la soo dhaafay degmada Kaxda siyaabo kala duwan ay Cudurka Jadeecada ugu geeriyoodeen ilaa Afar Caruur ah.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Maamulka gobolka Banaadir iyo Shacabka Soomaaliyeed in dadkaasi walaalahooda u soo gurmadaan.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha oo dhameystiran.