Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Maalin Sufuroow’ayaa ku sugan Magaalada Buula-barde ee Gobolkaas ,waxaan isaga iyo masuuliyiin la socota ay la kulmeyn mas’uuliyiin ka socota Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Buula-barde.
Wafdiga uu hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow ee shalay gaaray Buula-barde ayaa waxaa kamid ah saraakiil Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee (WHO) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa sheegay in dadka ku nool degmada Buulo-burde ay yihiin dad adkeysi badan,isla markaana waxyaabihii nolosha bani’adamka muhiimka u ahaa ay waayeen taasina ay usii dheer tahay in ay go’dooomiyeen Al-Shabaab.
Wadda dheer ay xiriirisa Magaalooyinka Balad-weyn iyo Buula-barde ayaa waxa ay go’doonsan tahay in ka badan Afar Sano mana jiro wax isku socday gaadiid ah oo u kala goosha bartamaha iyo Gobolada Koonfurey,iyada oo raashinka iyo waxyaabah kale ee muhiimka ah lagu geeyo diyaarao ay leeyihiin Ciidamada AMISOM.
Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AMSIOM iyo kuwa dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa tiro dhowr jeer ah oo hore isku dayay in halkaasi ay kala wareegaan gacan ku heynta Al Shabaab,balse kuma guuleysan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow.