Somaliland ayaa soo soo saartay amar ku socda dadka booqashada ugu tegay Maxaabiista ku xiran xabsiyada ku yaalla deegaanada Maamulkaas, sababo la xiriira ka hortego Cudurka halista ah ee COVID-19.
Wasiirka Cadaalada Somaliland Saleeban Warsame Guuleed oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in la joojiyay booqashooyinkii loogu tegi jiray Maxaabista ku jirta Xabsiyada, si looga hortego faafida COVID-19 oo mar labaad soo laba kacleeyay.
Wasiirka ayaa tilmaamay in dadka booqanaya Maxaabiista xiran ay ka yimaadan banaanka, isla markaana ay la kulmayaan Maxaabiista, taasina ay keeni karto faafida Cudurka.
“Waxa la joojiyay dhamaan boqashooyinkii loogu tagi jiray maxaabiista, dadka maxaabiista booqanaya gobolo badan bay iska yimadaan, dibaday ka yimadan” ayuu yiri Wasiirka Cadaalada Somaliland.
Waxaa uu hadalkiisa intaas kusii daray Wasiirka inay sameeyeen koox Caafimaad oo Xabsiyada deegaanada Somaliland gaarsiiya agabyada looga hortego faafida Cudurka COVID-19, wuxuuna xusay inay ka war hayaan xaaladda Maxaabiista.
Wasiirka Cadaalada Somaliland Saleeban Warsame Guuleed ayaa Maxaabiista ku xiran xabsiyada iyo Saraakiisha Ciidamada ilaalada ka heysa ugu baaqay inay sameeyaan kala fogaan, isla markaana joojiyaan in hal goob isugu tegaan.