Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia, Ambassador Axmed Ciise Cawad ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey mid ka mid ah Telefishinadda ugu caansan dalka Shiinaha.
Wasiirka oo ka qeybgalay Shirka Wasiiradda ee Golaha ay ku mideysan yihiin Dowladdaha Carabta iyo Shiinaha ku yeesheen magaalladda Pejing ayaa sheegay inuu dalka Somalia ku habboon yahay Maalgashi Caalami ah.
“Xaalladda Ammaanka Somalia si weyn ayey u soo hagaagtay, Maalgashiga iyo Mashaariicda waxay meel ka heli karaan Somalia” ayuu yiri Wasiir Cawad oo wareysi siiyey Telefishinka Shiinaha ee Caalamka ee (China Global Television Network) ee CGTN.
Wasiirka waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay DFS soo dhaweynayso dhamaan Dowladaha iyo Shirkaddaha Caalamiga ee doonaya inay maalgelin ku sameeystaan dalka Somalia ee hodanka ku ah Beeraha, Xoolaha, Kalluunka iyo Kheyraadka Dihan oo uu Shidaalku ka mid yahay.
Dhinaca kale, Shirkii 8-aad ee Wasiiradda dalalka Carabta iyo Shiinaha waxaa looga hadlay hannaankii loo sii hagaajin lahaa Xiriirka Carabta iyo Shiinaha, iyadoo gunaanadkii shirkaasi laga soo saaray War-murtiyeed loogu magac daray Bayaankii Bejing, kaasi oo ah qorshe-hawleedka labada sanno ee soo socota.