Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay lix kalena ay ku dhaawacmeen laba qarax oo galabta ka dhacay meel ku dhow Saldhigga Bartamaha ee magaalada.
Sida ay sheegeen goobjoogeyaal, waxaa qaraxa ku geeriyoodey hal qof oo loo maleynayo inuu waday walxaha qarxa, halka lix qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa ayaa ka dhacay goob mashquul badan oo ay ku yalaan maqaayado iyo goobo lagu shaaho oo ay u badanyihiin ciidamada Saldhigga Bartamaha ee magaalada Boosaaso.
Hadaba Hoos Ka Dhageyso Qof goobjoog k ahaa oo ka Shaeekeynaya qaraxa.