Itoobiya oo Sheegtay Waqtiga Ciidamadeeda Ay Ka Bixi Doonan Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in ciidamadooda ay ka daadgureyn doonaan dalka Soomaaliya hadii awooda ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya ay dib usoo laabato.

Hailemariam Desalegn, oo wareysi siinayay Telefishinka CCTV, ayaa carabka ku adkeeay in wax walba ay ku xiran tahay ammaanka Soomaaliya iyo sida ciidanka dowlada Soomaaliya ay awoodooda ay noqoto.

Sidoo kale Hailemariam Desalegn,ayaa sheegay in caalamka iyo dowladda Itoobiya ay eegayaan fulinta laab ku heynta cusub ee soomaaliya marka la gaaro sanadka 2016.

Itoobiya ayaa waxaa ay qeyb ka tahay ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa kusoo beegmaya xili Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo wareysi siinayay Telefishinka Aljazeera, uu shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM ay ka bixi doonan Soomaaliya inta udhexeysa sanadaha 2016 ilaa 2017.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor