Taliska ciidamada booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa sheegay inay dhawaan maxkamada hor keeni doonaan rag gaarayo tiro ahaan Shan oo lagu eedeynayo inay kufsi u geysteen gabar 15-jir ahayd.
Taliyaha booliska ee qeybta gobolka Mudug Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa warbaahinta u sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Shantaasi ruux oo kufsi iyo jir dil ugeestay gabar da,deedu uu ku sheegay 15- jir, laguna kufsaday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana intaasi uu ku daray in raggaasi ay kala yihiin 4 geysatay falka iyo midka shanaad oo uu sheegay taliyuhu in gurigiisa lagu kufsaday, kuwaasi oo dhawaan maxkamada ay soo taagi doonaan
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.