8 ka mid ah 24-ka Tartame ee u taagan Xilka Madaxweynaha JFS ayaa maanta hor tegay Xildhibaanadda Labada Aqal ee BFS, si ay ugu gudbiyaan Qorshe-hawleedka uu Murashax kasta ku talamayo inuu dalka ku hoggaamiyo, haddii Madaxweyne loo doorto.
Hadal-jeedinta Tartamayaasha ayaa loo arkaa inay tahay Muraayad laga dheehan karo hadba Hal-beegga Murashax kasta lagu qiimeyn karo Heerkiisa iyo inuu u qalmo inuu Hoggaamiye Qaran ku noqon karo.
Waa xaallad uu Murashax kasta culayska ku saari doono sidii uu Xildhibaanadda uga iibin lahaa Qorshihiisa Shaqo iyo Qof Ahaantiisa, waana macquul inay Xildhibaanada ku kala aragti duwanaadaan Qiimeyntooda ku aadan Hadal-jeedinta 24-ka Tartame ee bishan February 8-da ku kala bixi doono Doorashadda Madaxtinimadda ee JFS.
Haddaba, Safka Koowaad ee Murashxiinta Madaxweyne ee maanta hadal-jeedinta ku qoran ayaa kala ah:-
- Xasan Sheekh Maxamuud
- Shariif Sheekh Axmed.
- Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
- Jibriil Ibraahim Cabdulle
- Saciid Cabdullaahi Deni
- Saciid Ciise Maxamuud
- Axmed Maxamed Cabdi iyo
- Bashiir Raage Shiiraar.
Kasbashadda Kalsoonida Xildhibaanadda BFS ayaa u muuqata inaysan ku imaan karin Bandhig Siyaasadeedka Murashixiinta oo iyagu laga filayo inay jeediyaan Khudbado ay ku dheehan tahay Hiigsiga Ajendayaal Siyaasadeed, Amni, Dowlad-wanaag, Horumarinta Bulshadda iyo soo-celinta Midnimadda iyo Sharaftii Diplomaasiyadeed ee Somalia.
Inkastoo la xadiday xilliga Khudbadaha Murashixiinta ayaa waxaa haddana dhici karta inay Xildhibaanadda si dheelitiran u wada dhegeysan doonin Khudbadaha 24-ka ee Murashax, inkastoo uu Guddoomiyaha Barlamaanka, Prof. Jawaari ka shanqariyey inaysan Xildhibaanadda kala xulanin dhegeysiga Khudabadaha Murashxiinta.
Waa hubaal inay Tartamayaashasi si Codkarnimo leh u soo jeedin doonaan Khudbadahooda, inkastoo ay ku adkaan doonta sida ay Xildhibaanadda uga iibiyaan Ajendayaasha ay la soo shir tagaan.
Sidoo kale, Xildhibaan kasta waxa uu u madax bannaan yahay qiimeyntiisa iyo inuu go’aansado Murashaxa uu u arko inuu Codkiisa ugu yaboohi doona maalinta Doorashadda Madaxweynaha.
Si kastaba ha ahaatee, sida uu Waayuhu na soo baray, Murashax kasta oo Madaxweyne waxa uu u xusul-duubaa Beer-laxawsi Siyaasadeed, Xodxodosho iyo inuu xeellad kasta ku raadiyo si isaga loogu codeeyo, balse waxa uu qorshuhu isbedelaa marka Madaxweyne la doorto inay xaalladdu inta badan ku soo hooraan “La-mood, balse noqon weyday’”.
©Radio Dalsan