30-Saxafi oo ka kala socda Goballadda dalka, kuwaasi oo ka hawl-gala Idaacadaha, TV-yadda iyo Jaraa’idka ayaa waxa uu shalay Tababar uga furmay Hotelka City Palace ee magaalladda Muqdisho.
Tababarkaasi oo ay iska kaashadeen Hay’addaha SIMHA ,IMS & FOJO waxaa Furitaankiisa ka hadlay
Wasiirka Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) iyo Madixii hore ee Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, C/raxmaan Koronto oo haatan ka mid ah La-taliyayaasha Wasaaradda Warfaafinta ee Somalia.
Labada Mas’uul waxay ku booriyeen inay Suxufiyiinta ka faa’ideystaan Tababarka, si ay sare ugu qaadaan Nidaamka Badqabkooda xilligan adag ee lagu jiro.
Tababarkaasi oo socon doona muddo 3-maalmood waxay Suxufiyiinta ku qaadan doonaan Casharo la xiriira Taxadarka Suxufiyiinta iyo sida ay u hubin karaan inaan gaadiidkooda loogu xirin waxyaabaha qarxa.
Guddoomiyaha Hay’adda SIMHA, ahna Agaasimaha Guud ee Radio Dalsan, Xasan Cali Geesey ayaa isagana faahfaahin ka bixiyey Muhiimadda uu Tababarku u leeyahay Badqabka Suxufiyiinta, wuxuuna sheegay inuu Tababarkani yahay kii 2-aad ee ay Hay’addaha SIMHA, IMS & FOJO si wadajir u qabteen 6-dii bilood ee la soo dhaafay.
Weriyayaasha uu haatan tababarku u socdo, waxaa si ficil leh loo baray Nidaamka Gargarka Degdegga iyo sida ay Suxufiyiinta isugu gargaari karaan marka ay xaallado khatar ah la kulmaan iyo sida ay gaadiidka uga baari lahaayeen waxyaabaha qarxa.
©Radio Dalsan