Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka kalabeyr oo ku yaalla duleedka Magaalada Baladweyne,kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo kala taabacsan Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay iyo Ciidamo ka tirsan Booliska Hirshabeelle.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdinaasir Saciid Muuse ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xuntahay shaqaaqadii ka dhacday Baladweyne ee lagu dilay Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane,isla markaana waxaa uu tacsi u diray dhammaan Eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay,sidoo kalena waxa uu Caafimaad deg deg u Rajeeyay dadkaasi halkaasi oo ku dhaawacmay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Cabdinaasir Saciid Muuse in Wasaaradda amniga gudaha ay guddi u saari doonto shaqaaqadii ka dhacday Baladweyne,kuwaasi oo warbixin rasmi ah ka keeni doona sidii ay u dhacday iyo dadkii ku lugta lahaa.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu hay’adaha amniga Baladweyne uga digay in aysan ka qeyb qaadan xaaladda ka taagan Gobolka Hiiraan iyo waxkasto oo dhibaato u keeni kara shacabka Soomaaliyeed .
Sikastaba hadalka Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdinaasir Saciid Muuse ayaa kusoo aadaya,kadib markii shalay dagaal ka dhacay deegaanka kalabery lagu dilay Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane.