Hirshabeelle oo Amar ku bixisay in la soo qabto dadkii dilay Taliye Macow Xalane

Ku simaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle ahna Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle Md Ali Guudlaawe Hussein ayaa tacsi u diray dhamaan ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxay taliyihii qeybta Booliiska Gobalka Hiiraan.

Wuxuu Alle uga baryayaa jannadii firdowsa in uu ka Abaalmariyo Marxuumka, Dhinaca Kale wuxuu baaq udiray dhamaan Odayaasha, waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan in ay u istaagaan amaanka guud ee gobalka Hiiraan.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa shacabka Hiiraan iyo dhamaan Bulshada HirShabeelle ku baraarujiyay in gacmaha isqabsadaan Kana fogeeyaan wax waliba oo keeni kara khilaaf sokeeeye.

Wuxuu amar ku bixiyay Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle ahna kusimaha madaxweynaha in lasoo qabto kuwii ka danbeeyay dilka taliyihii qeybta  Booliiska Marxuum Korneyl Maxamed Macow Alle Naxariistii janno haka Abaalmariyee.

“Danbiile dilay sarkaal noo wada muhiim ahaa waxeey Dowlada Hirshabelle balan qaadaysaa in lala tiigsan doono garsoor cadaalad ah”.

Comments
Loading...