Kulan ay Maanta magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku yeesheen qaar ka mid ah Culimada ku nool Magaladaas ayaa waxa ay kaga hadleen dagaalka ka soo cusboonaaday deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool.
Qaar ka mid ah Culimadaas oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ga xun yihiin dagaaladaas,iyaga oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo.
Waxa ay sheegeen in dadka wada dagaalamay ay yihiin Soomaali,isila markaana dagaalkaas ay ka dhaxlayaan musiibo sida ay hadalka u dhigeen.
Mid ka mid ah Culimadaas ayaa ka sheekeeyey waxyaabihii laga dhaxlay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay,waxana uu uu baaqay madaxda Puntland iyo cid kasta oo Soomaali ah inay ka qeyb qaadato joojinta dagaalkaas.
Aqoonyadanada,Shacabka iyo Siyaasiyiinta ayay ugu baaqeen inay u gurmadaan dadka ku waxyeeloobay dagaalka labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool.
Hoos Ka Dhageyso Codadka qaar ka mid ah Culimada.