Hay’adda Caalamiga ee “State of Global Air†ayaa soo saartay Warbixin Cusub oo ay ku soo bandhigtay dhibaatadda Wasaqowga Hawada (Air Pollution) kala kulmaan dadka ku nool dalalka Caalamka.
Warbixinta waxaa lagu xusay inay dad badan ku caburmaan, una geeriyoodaan Hawada Wasaqaysan ee ka dhasha Qiiqa Wershadaha, Gaadiidka iyo Matooradda kale.
95% Wasaqowga Hawada ee Dadyowga Caalamka waxay ku nool yihiin Deegaan aysan tayada Hawada la mid ahayn Heerka ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO soo bandhigtay ee loo yaqaano PM 2.5
Warbixinta Hay’adda Caalamiga ee “State of Global Air†waxaa kaloo lagu xusay inay jiraan 13 Waddan oo ay sii kordhayso dadka u geeriyoodo Wasoqwga Hawada, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Somalia, Sierra Leone, Chad, Toogo, Waqooyiga Kuurya, Ayfori Kosti iyo jesiiradaha Soloman Islands.
Warbixinta waxaa lagu xusay in Tirada dhimashadda dedega ee boqolkii kun ee qof ee Soomaali ah tahay 240 qof, halka tirada guud ee dadka u dhinta Wasaqowga Hawada ee Somalia gaartay 56,100 qof, waa sida lagu xusay Warbixinta Hay’adda Caalamiga ee “State of Global Airâ€