Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ay iskhilaafeen Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid iyo taliyaha Nabadsugida degmadaas taas oo keentay in ay xoogaa dagaalamaan.
Dagaalka ka hor ayaa la sheegay in gudoomiyaha degmada uu amray in taliyaha la xiro taas oo keentay in taliyuhu uu dalbado ciidamo Daacad ah ah kadib halkaasi ay ka bilaabato israsaaseyn sida uu Dalsan u sheegay oqf ka mid ah dadka deegaanka.
Israsaaseyntaas ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxana ku geeriyooday 1 Askari oo ka tirsan Ciidanka Nabad-Sugida oo diidanaa xariga taliyaha.
Sidoo kale Goobjoogaha ayaa sheegay in ay Ciidamad nabad-Sugida dileen laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka degmada.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in xaaladu ay tahay iminka mid degan islamarkaana degmada ay Gacanta ku hayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya.
Hoos K Dhageyso Goobjoogaha oo uu Wareystay Wariye Cabdinaasir Socdaal.
Â