FAALLO: Tiro-koobka guud ee ay DFS soo bandhigtay oo la dhaliilay.

Dowladda Federalka Somalia ayaa shalay soo saartay Tiro-koobka Guud ee Dadka Soomaaliyeed, iyadoo sahankaasi ahaa ki iugu horreeyey ee la soo bandhigo, tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii Dowladdii Kacaanka muddo hataan laga joogo 24-sannadood.

Sahanka Tiro-koobka ee shalay daaha laga rogay ayaa lagu sheegay inay Tiradda Guud ee dadka Soomaalida ee ku sugan gudaha dalka gaarayaan 12 malyan oo qof.

Xogta Tiro-koobka ayaa lagu sheegay in 75% dadka Soomaalida yihiin dad dhallinyarro ah o oay da’doodu u dhexeyso 18 ilaa 40-jir.

Tiro-koobka oo ay Wasaaradda Qorsheynta  iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federalka soo bandhigtay ayaa waxaa lagu sheegay in sahan xog-ururin ah laga soo qaaday 18-ka Gobal ee dalka Somalia, iyadoo lala kulmay dad badan oo ay xitaa ku jiraan dadka Barakacayaasha.

Sahan-qaadista oo ay Waasaraddu la kaashatay Hay’adda QM ugu qaabilsan maalgelinta Dadka ee UNFPA iyo Madaxda Dowlad-gobaleedka ayaa waxaa la sheegay in xog ururinta loo adeegsaday Dayax-gacmeedyo iyo qalabka lagu ururiyo xogaha. Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Calaamiga ee DFS, C/raxmaan Caynte ayaa sheegay in Tiro-koobka cusub loo adeegsan doono  sahanka rasmiga ee la qaadi doono sannadka soo socda.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Dowladda Federalka dadaal u gashay sidii lagu ogaan lahaa Tiro-koobka guud ee Dadka Soomaaliyeed, inkastoo aysan Dowladda weli soo bandhigin Tiradda Qaxootiga iyo Qurbo-joogta Soomaalida, oo qiyaas ahaan noqon kara ugu yaraan Labo malyan oo qof.

Inkastoo Tallaabadda Dowladda Federalka la amaani karo, ayaa waxaa haddana soo baxay Qeylo-dhaan ka timid Dowlad-gobaleedka Puntland iyo Maamulka Somaliland.

Naqdinta kulul ee Madaxda Puntland iyo Somaliland ka keeneen Tiro-koobka la soo bandhigay ayaa waxay u muuqdaan kuwo Siyaasadaysan iyo inay  Beesha Calamka kaga hadlaan Dhaqaale iyo in loo garaabo.

Maamul-gobaleedka Puntland oo lagu tilmaamo Maamul iska mucaaradsan Tisqaadka Dowladda Somalia, ayaa waxay ka biyo-diiday Tiro-koobka Heerka Qaran ee la soo bandhigay.

Wasiirka Puntland u qaabilsan Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga, Cali Axmed Faatax ayaa si kulul uga horyimid Tiro-koobka, wuxuuna xusay in lagu degdegay in la soo bandhigo Sahankaasi.

Wasiirka Heerka Gobal ayaa sheegay in lagu madalsanaa in lagu kulmo caasimadda dalka Uganda ee Kampala, si la isku waafijiyo Tiro-koobyadda laga soo ururiyey dhinaca DFS, Maamulka Puntland iyo Somaliland.

Waxa uu diiday Tiro-koobkii Dowladda Qaranka, haddana waxa uu soo bandhigay Tiro-koob uu ku sheegay waa Tiro-koobka Guud dadka ku nool Goballadda hoos yimaada Maamulka Puntland, wuxuuna xusay inay Goballadda Puntland ku nool yihiin dadka ugu badan Ummadda Soomaaliyeed.

Tiro-koobkiisa ayaa waxa uu ku muujiyey inay  4,284,633 qof ku nool yihiin Goballadda Puntland.

Hadalkaasi qadafta leh ayaa u muuqda mid ku salaysan Tirsiimo Beeleed, inkastoo aysan marnba  dhicin inay Wasiir ama Maamul soo bandhigaan Tiro-koob Gobaleed cayiman.

Maamulka Somaliland oo Mashaqo Siyaasadeed ka dhex aloosan tahay ayaa iyagana saluug ka muujiyey Tiro-koobka guud ee Dadka Soomaaliyeed.

Guuxa ay Somaliland muujiyey ayaa waxa laga dheehan karaa inay Madaxda Somaliland weli hami u hayaan Qaddiyadda Somali-weyn, inkastoo ay horey ugu dhawaaqeen gooni-goosadka  aysan weli Ictiraafka ku helin.

Markaynu isku soo duubno, Tiro-koobka Guud ee ay DF ka soo saareen Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxay tahay Horumar, iyadoo qorshe kasta lagu jaangooyo hadba qiyaasta halbeegga rasmiga, waana guul in 25 sanno kadib la soo bandhigo Tiro-koobka Qaranka, inkastoo ay jiraan Siyaasiyiin iyo Maamulo saluugsan, kuna qanacsanayn arrintaasi.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor