Dhageyso:-‘Axmed Madoobe”Dowladda Xamar kaliya ayay maamushaa

 

Madaxweynaha  Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya Madaxdeeda ay ku egyihiin Caasimadda Soomaliya ee Magaalada Muqdisho islamarkana ay indhaha ku hayaan waxyaabihii ka socda kaliya.

Axmed Madoobe ayaa hadalkiisa intaas ku daray in dowladda dhan ay isku koobtan Muqdisho Xildhibaan kasto Wasiir kasto iyo Ciidamada dowlada ay dhamaantood Muqdisho wada joogaan.

Waxa uu ugu baaqay Madaxda dowladda Soomaaliya in ay Xarumo muhiim ah ka furato Magaalooyinka Maamul Goboleedyada si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ka socda Gobolada dalka iyo baahiyaha kala duwan oo ay qabaan.

Hadalkan ayaa Madaxwey naha Maamulka Jubbaland waxa uu ka jeediyay munaasabadii shalay lagu Caleemo-Saarayay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale(Xaaf)

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media