Howlgal dad lagu qabtay oo ka socda Magaalada Kismaayo

Saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Nabad-Sugida Maamulka jubbaland ayaa waxay ay howlgalo qorsheysan ka wadaan inta badan Xaafadaha Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose.

Howlgalka oo weli ka socda kismaayo ayaa daba joogay kadib markii qarax Miinada dhulka lagu aaso ah duleedka Magaalada Kismaayo lagula eegtay ciidamada ka tirsan kuwa Jubbaland.

Majirto cid la sheegay in ay wax ku noqotay qaraxaas balse howlgalka ay sameeynayaan Ciidamada Jubbaland ayaa la sheegay in lagu qabtay dad ka badan 50 ruux kuwaas oo dhalinyaro u badan.

Wariyaheena Magaalada Kismaayo uga soo Warama Idaacadda Dalsan ayaa soo sheegaya in dadkii la qabtay lakala saaray islamarkaana qaarkood haatan Ciidamadu ay weli Gacanta ku hayaan qaarna lasiidaayay.

Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in uu howlkaan noqon doono mid sii socda ilaa iyo inta amaanka Magaalada kismaayo laga xaqiijinayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media