Dhageyso:-Sarkaal”Ma aqbaleyno in dowladda ay Hubka naga dhigto

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay howlgalka ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameynayaan gudaha Magaalada muqdisho kaas oo looga soo horjeedo ciidamada dowladda ee Hubka culus  u dhexwata gudaha Magaalada muqdisho.

Sarkaalka ayaa sheegay in deegaanka ay iyaga ku sugan yihiin iyagoo farabadan oo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Somaaliya aan lagu xadgudbi Karin islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay iska celiyan cid walba ee iskudayda in ay hubkooda ka qaada.

Sidoo kale waxa uu hadaliisa intaas ku daray in aysan suurtagal aheyn in hubka laga qaado amaankoodana uu yahay m id halisgeli kara islamarkaana aysan jirin cid damaanad qaadeysa amaankooda taasna ay micneheedu tahay in Al-Shabaab  lala shaqeynayo sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso codka

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media