Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) oo Maanta Kismaayo ku soo laabtay ayaa ka hadlay khilaafka Wadamada Khaliijka kala dhaxeeya Qatar ee saameynta ku yeeshay Soomaaliya.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wadatashi kala yeelatay qaabka loo wajahayo khilaafka Wadamada Khaliijka ee sababay in Imaaraadka,Sacuudiga iyo Masar ay xiriirka ugu jareen Dowladda Qatar.
“Runtii xiligii uu khilafka bilaabanayay madaxweyne Farmaajo Imaaradka ayuu ku sugnaa waxa uu igala tashaday waxa laga yeelayo waxaana u sheegay in dowladdu ay dhex dhexaad ka noqoto si xal buuxa loo gaaro laakin sidii aan rabay manoqon waayo dowladdu waxa ay la safatay jufo gaar ah oo ah Qatar ayuu yiri Axmed Madoobeâ€
Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyey Madaxda dowladda in sidii uu qorshaha khilaafkii wadamada Khaliijka ay waxka bedeleen,isla markana ay la safteyn dowladda Qatar oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan waligeyd waxba u qaban.
Hadalka Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaya xilli weli uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta.
Hoos Ka Dhageyso Codka Axmed Madoobe.