Shirkii looga hadlayay ka hortaga Jarista dhirta oo Maanta la soo gaba gabeynayo

Shalay Xarunta Xalane ee Magalada Muqdisho waxaa ka furmay shir looga hadlayay ka hortaga Jarista dhirta iyo Dhoofinta Dhuxusha iyo sidii looga hortegi lahaa,waxaan shirkaasi furay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Hay’adaha Qaramada Midoobay, Dowladaha taageera Soomaaliya, dowlad Goboleedyada iyo Mas’uuliyii ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya,waxana intiisa badan diirada lagu saarayay sidii looga hortegi lahaa nabaadguurka deegaanka,isla markaana Xukuumadda Soomaaliya ay qorsho u dejisay.

Shalay  furitaankii shirkaas ayuu Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar uu sheegay in dhoofinta Dhuxusha ay faa’iido farabadan ka helaan Al-Shabaab,sidaas dareedeedna dowladda Soomaliya ay qorsho looga hortagayo sameyn doonto.

Maanta oo talaado ah ayaa la filayaa in shirkaas lasoo gaba gabeeeyo,isla markaana laga soo saaro qodobo muhiim u ah joojinta xaalufka lagu hayo deegaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media