Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Magaalada muqdisho kulan ku yeeshay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug kan Ahlusuna iyo masuuliyiin kale kulankaas oo lagu dhameystirayay heshiiskii ay dhawaan ku gaareen dalka Jabuuti.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Wsiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya C/Faarax siciiid Juxa,Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo masuuliyiin kale.
Qodobadii ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ahaa in Madaxa Xukuumadda loo Magacaabo Madaxweynaha Ahlusuna Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo in la iskudaro xildhibaanada labada Maamul si ay mid u noqdaan iyo in Saraakiil Ciidan ay Ahlusuna ku yeelato Maamulka Galmudug.
Qodobadii lagu heshiiyay ayaa waxaa Warbaahinta u Akhriyay Cali Yare oo ka mid ahaa Guddiga wada xaajoodka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Cali Yare