Faah faahin:-Dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Dagaal culus halkaasi uu dhexmaray Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkan markii hore uu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Deegaanka Sabiid ee qiyaas ahaan 7-KM u jira Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana waxaa halkaasi ka dhacay dagaal saacado kooban qaatay.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Al-shabaab muddo kooban ay la wareegeen fariisimo Ciidanka dowladda ay ku lahaayeen agagaarka Buundada Sabiid,hayeeshee markii dambe ay dib isaga baxeen.

Saraakiisha Ciidanka dowladda ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen inay iska cabiyeen weerarkii kaga yimid dhinca Al-shabaab,isla markaana xaalada haatan ay tahay mid degan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media