DHAGESYO: Wasiirka Amniga oo Sheegay inay Sameeyeen Qorshe lagu sugayo Amaanka Muqdisho

Wasiirka cusub ee wasaaradda aminga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradiisu ay la’imaan doonto wax qabad muuqdo, islamarkaana ay wax ka qaban doonto arimaha amaana ee Muqdisho, si looga hortago falalka amaan darri ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka cusub ee amniga waxaa uu sheegay inay sameeyeen qorshe gaar ah oo lagu xaqiijinayo amniga, isalamarkaana ay ku dadaali doonaan xasilinta amniga.

Dhinacakale wasiirka amniga waxaa uu ka dalbaday qeybaha kala duwan ee bulshada inay la shaqeeyaan laamaha amniga, oo ay garabsiiyaan ciidamada amaanka ee dowladda.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media