Turkish Airlines oo maanta 60 Tan oo Raashin Nafaqaysan keentay Muqdisho.

Maamulka Shirkadda Turkish Airlines ayaa u fududeeyey sidii Somalia loo gaarsiin lahaa Shixnadaha Mucaawanadda ee loogu tala galay dadka ku tabaalaysan Muqdisho.

Diyaarad Xamuul oo aad u weyn oo Turkish Airlines ayaa maanta soo caga-dhigatay Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, waxaana Diyaaradda ku qornaa Hal-ku-dhigii caan baxay eeThe Love Army for Somalia”.

 Deeqdan ayaa waxa soo ururiyey Fannaan, Ciyaartoy iyo U-ololeeyayaal Samafal oo Kaalmadda ku ururiyey Yabooha dhinaca Aaladaha Bulshadda, sida Twitterka.

Olole dhinaca Internet oo lacago loogu uruurinayay Abaaraha Soomaaliya oo ay sameeyeen bishii la soo dhaafay shaqsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin Jilaaga Ben Stiller, Colin Kaepernick oo ka tirsan Naadifa Ku/cagta Mareykanka ee NFL iyo xidigaha caanka ah warbaahinta bulshada sida Jerome Jarre, kuwaasi oo  19 saacadood ku sameeyay lacag uruurin, waxaana ay uruuriyeen lacag gaareysa hal milyan oo dollar.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media