Suuqyada muqisho ee lagu’iibiyo xoolaha ayaa laga dareemayaa hoosu dhac weyn qiimaha lakala siisto xoolaha nool waxaana loo sababeynayaa abaaraha kajira dalka oo sababay in xoolo badan ay dhintaan kadib saameen ay ku yeelatay abaarta ka jirta Dalka.
Radio Dalsan ayaa booqatay suuqa Xirga Dheere ee duleedka muqdisho oo ah kan ugu baalaran ee lagu iibiyo xoolaha muqdisho waxaana suuqa uu ahaa mid buuxa oo ay joogaan xoolo farabadan oo laga keenay gobolada dalka’ waxaana ka muuqatay dhibaata badan oo waxaa saameen ku yeeshay Abaarta ka jirta dalka iyadoo dadka reer miiga ah ay ukeeneen suuqa si eysan uga dhiman oo ay u’iibsadaan xoolahooda halkii ay ka dhiman lahaayeen waxaana ay waayeen wax aysiiyaan Xoolahaasi.
Ganacstada Suuqa ayaan wax ka weydiinay isbadalk suuqa waxaana ganacsade Cabdullaahi Nuur Kaalibeey oo xoolaha ku iibiyo suuqa Xirga Dheere uu faahfaahin inaga siiyey hoosu dhaca laga dareemayo Xoolaha lagu’iibiyo Muqdisho oo uu sheegay in isbadal hoose uu jiro islamarkaan xoolo farabadan lakeenay suuqa balse qiimihi la’iibin jiray hoos uga dhacay
Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Cod-ka Ganacsade Kaalibeey.