Xoghayaha Guud ee QM oo baaq u jeediyey Dowlad Cusub ee Somalia iyo Maamul-gobaleedyadda.

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayaa u hambalyeeye Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku guuleystay Codbixintii Doorashadda Madaxweynaha cusub ee Somalia.s

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM ayaa loogu baaqay Dowladda Cusub iyo Dowlad-gfobaleedyadda inay sida ugu dhaqsaha badan uga shaqeeyaan Danaha Mudnaanta Qaranka, oo ay ku jiraan Dhamaystirka Dastuurka iyo Dhismaha Ciiddana Qaran oo tayo leh.

Antonio Guterres waxa kaloo uu bogaadiyey Hawlgalka AMISOM iyo Ciiddanka Ammaanka Somalia dadalkooda ku aadan hubinta Deegaanka Nabdoon muddadii ay socotay Doorashadda.

Waxa kale uu bogaadiyey Taageeradda ay Saaxibadda Caalaamka oo ay ku jiraan Ururadda MidowGA Afrika, Midowga Europe, IGAD, Ururka Jaamacadda Carabta iyo Dowladaha deeq-bixiyayaasha ka geysteen Nidaamka Doorashadda iyo inay sii wadaan  Taageeradda Hawlaha Samafalka.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayaa ku bogaadiyey Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid shaqadii ay qabteen muddadii ay Xilka hayeen iyo sida Sharafta leh ee uu Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh xilka ugu wareejiyeen Madaxweynaha Cusub.

Dhinaca kale, War-saxaafadeedka ka soo baxay Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM, Stephane Dujarric waxa uu tilmaamay in Ammaanka uu yahay Walaaca kale ee ugu muujisay ee Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media