Guddiga qabanqaabada Doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug oo maanta shirjaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado xarunta Kmg maamulkaas ayaa ka hadlay Jadwalka Doorashada iyo isbadal ay kusameeyeen xiliga araaji qabashada ayaa xubnaha Guddigu waxaa ay sheegeen in lakordhiyey ama wax laga badalay waqtiga Araaji qabashada oo ku ekeed Shanta Bishan waxaana hada lagu daray maalma kale iyadoo ay ku ektahay 14-Bishaan.
Xildhibaan Maxamed Saciid Xassan Gudoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in doorashada ay dhaceyso 19-bishaan islamarkaana inta ka horeysa ay udiyaar garoobayaan qabsoomida doorashadaasi oo ay siiwadi doonaan howla horyaal tan iyo inta ay isbadal ku sameynayaan hogaanka Maamulkaas oo xildhibaanada Galmudug kalsoonidii ay kala laabteen madaxweynihii maamulka ee Guuleed.
Xaalada siyaasadeed ee Galmudug aya a kacsaneed tan iyo markii xildhibaanada maamulkaas ay kalsoonidi kala laabeteen Cabdikariin Xuseen Guuleed oo diidan Goaanka xil ka qaadista walina waxaa jira dhibaatooyin ka taagan Cadaado oo ay sababtay xaalada siyaasadeed oo uu Galay maamulka waxaana shalay iyo maanta la xanibay Xildhibaano kusii jeeday Galmudug oo ka anbabaxayey Muqdisho.
Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Cod-ka Gudoomiyaha Doorashada.
1