• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, July 7, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

DFS iyo Hay’adaha Samafalka oo walaac ka muujiyay xaaladdo ka jira dalka

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 11, 2021
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ayaa waxaa lagu sheegay in dalka haatan uu wajahayo biyo yari aad u daran, iyadoo in ka badan 50 degmo oo ay ka jirto  xaaladdo abaareed oo aad u daran.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Welwelka la qabo ay sii kordhinayaan  saadaasha xilli-roobaadka Gu-gga ee Abriil ilaa Juun 2021, waxaana la tilmaamay in Saadaashu ay muujineyso in dalka uu heli doono roob aad u yar.

Wasiirka Arrimaha Bini’aadamnimada iyo Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya, Khadija Diriye ayaa deeq bixiyeyaasha ka codsatay inay degdeg ah dhaqaale u bixiyaan, si loogu isticmaalo dedaallada lagula tacaalayo saameynta abaaraha

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Dowladda iyo hay’adaha Samafalka.

Welwelka la qabo waxaa sii kordhinaya  saadaasha xilli-roobaadka Gu-gga ee Abriil ilaa Juun 2021 oo markii labaad tusineysa mid ka hooseeya celcelis ah intii la heli jiray.

Saadaashu waxay muujinaysaa in xaaladda wadanku ay u badnaan doonto roob  la’aan ama la heli doono roob aad u yar ilaa todobaadka saddexaad ee bisha Abriil.

In ka badan 116,000 oo  qof ayaa biyo yari darteed u barakacay laga soo billaabo bishii Oktoobar ee sannadkii tegay. Haddii  xaaladdu sidan ku sii socoto gargaarka bini’aadamnimaduna uu ahaado mid xaddidan, waxaa laga cabsi  qabaa inuu dhaco barakac baaxad leh toddobaadyada iyo bilaha nagu soo aaddan.

“Ayadoo laga jawaabayo saameynta mashaqooyinka isbiirsaday ee waddanka ka jira, maanta ayay dadka  Soomaaliyeed ugu baahi badan yihiin in la taageero si ka duwan sidii hore.

Waxaan ka codsanayaa deeq  bixiyeyaasha iney si degdeg ah dhaqaale u bixiyaan, si loogu isticmaalo dedaallada lagula tacaalayo  saameynta abaaraha,” ayay tiri Wasiirka Arrimaha Bini’aadamnimada iyo Maareynta Masiibooyinka ee  Soomaaliya, Marwo Khadija Diriye.

“Waxaan wajahaynaa cunno yari baahsan, nafaqa darro, barakac iyo  cudurro. Dhaqaale Ayaan u baahannahay si dadka loo badbaadiyo, loo yareeyo dhibaatooyinka jira loona  helo macaawino ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.”

Xaaladda abaaruhu waxay lakab kale oo mushkilad ah ku kordhisay baahiyihii xad dhaafka ahaa ee horay u jiray, waqti ay bulshadu laa daalaa dhacayso saamaynta COVID-19, ayaxa, colaado hubeysan, xasillooni darro siyaasadeed iyo cunno yari baahsan.

Sicirka biyaha ayaa kor u kacay boqolkiiba 54 meelaha qaar, arrintan ayaa keeni karta saameyn aan la mahadin, maadaama ay dumarku ay ku qasbanaan doonaan iney masaafooyin dhaadheer biyo u doontaan ayna dhici karto iney baylah u noqdaan xadgudubyo lugula kaco.

“Waxaan aad uga walaacsanahay in baahiyaha hadda jira ay sii kordhaan ayadoo weliba dhaqaalaha aan  heli karnaa uu hoos u sii dhacayo.

Waan ka hortegi karnaa saameynta abaarta, laakiin waxaa loo  baahanyahay in hadda tallaabo degdeg ah la qaado annagoo ka faa’iideysaneyna waaya aragnimadii aan ka  dhaxalnay gurmadkii abaarta ee 2016/17,” ayuu yiri Isuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee  Soomaaliya, Adam Abdelmoula.

“Qorshaha Ka-falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada ee 2021 waxaa u  soo xarooday boqolkiiba 4.1 oo kaliya.

Inkastoo sama-falayaashu ay sameyn doonaan wax kasta oo suurtagal  ah si ay ula tacaalaan saameynta abaaraha, hadana waxaa lagama maarmaan ah in la maalgeliyo samafalka iyo dadaallada lagu dhisayo soo kabashada bulshada si ay isaga xajiyaan saameynta Cimilada is bedelaysa  ee waqtiga fog.”

Previous Post

Rooble oo isku shaandheyn ku sameeyey Wasiiro ka tirsan Xukuumadda

Next Post

Diyaarad sida Tallaalka labaad ee Cudurka COVID-19 oo kasoo degtay Muqdisho

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Warar

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

July 5, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

July 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

July 3, 2025
Next Post

Diyaarad sida Tallaalka labaad ee Cudurka COVID-19 oo kasoo degtay Muqdisho

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

by Gesey Liban
July 6, 2025
0

MOGADISHU – In a bold move to confront the growing risks posed by the misuse of social media in Somalia, the...

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

by Gesey Liban
July 6, 2025
0

CAIRO – President Hassan Sheikh Mohamud of the Federal Republic of Somalia is set to depart for Cairo, Egypt's capital, where...

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

by Gesey Liban
July 5, 2025
0

Baydhabo, Somalia – In a strategic move aimed at transforming the quality of education in Southwest State, President Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

by Ilhaan
July 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul u cambaareeyay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo...

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation
English News

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions
English News

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
English News

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation
  • HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions
  • President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
  • Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00