Waxaa Goordhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad sida Tallaalka nooca Sinopharm Vaccine ee looga hortegayo Cudurka haliska ee COVID-19.
Tallaalkan oo ay soo saartay dowladda Shiinaha ayaa waxaa dowladdaas ay ugu deeqday dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Shixnada tallaalka ay gaareysaa 200.000.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Garoonka Aadan Tallaalka ugala wareegay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Qin Jian.
Bishan aynu ku jirno 7-dii ayay ahayd markii Danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinahu uu saxiixay heshiis tallaal looga hortego Cudurka COVID-19 lagu keynayo dalka Soomaaliya.
Danjire Cawaale Cali Kulane Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dalka Shiinaha ayaa hishiis ku aadan hilida talaalka ka hortaga cudurka aduunka Aafeeyey ee COVID-19 la galay shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha.