Iyada oo shalay dunida muslimka siweyn looga ciiday Maalinta koowaad ayaa waxaa jiray deegaano laga soomanaa dalka,kuwaas oo Maanta ay u tahay Maalinta koowaad.
Degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa ka mid ah,sida Dhuusamareeb, Guriceel iyo Cabdudwaaq.
Boqolaal ka mid ah Shacabka degmooyinkaas ayaa Maanta waxaa Salaadii Ciida kula tukaday mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug,waxaana sidoo kale laga dareemayaa damaashaadka iyo farxada Ciida.
Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Galmudug ayaanan weli ka hadlin waxa sababay inay Maalintii shalay aheyd looga Ciidi waayo degmooyinka ay ka arrimiyaan,iyada oo shalay Caalamka dadka muslimiinta ah ay wada Ciidayeen.