Garoonka Caalamiga ee Jomo Kenyatta International Airlines ee magaalladda Kenya waxaa maanta soo caga-dhigatay Diyaarad Rakaab oo waday Somali iyo Kenyan laga soo tarxiilay dalka Maraykanka.
Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi waxaa uu qoray in Diyaarad ay lahayd Shirkadda Omnia International Plane oo ay la socdeen 95-rag Somali iyo 2 Haween oo Kenyan ah ay abaarihii 11:00 Barqanimo ee maanta soo caga-dhigatay Garoonka Diyaaradaha JKIA ee Nairobi.
Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciiddanka Ammaanka ee Kenya ayaa u sheegay Wargeyska The Star in Ragga Soomaalida la saaray Duullimaadkii Diyaaradda Jubba Airways oo maanta ku soo wajahnayd Muqdisho.
Sarkaalka waxa uu sheegay inay Saraakiil Maraykan oo u qaabilsan dhinaca Ammaanka ay gelbinayeen raggaasi oo masaafurintaasi ka dhalatay Natiijadda Siyaasadda Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ee dhinaca Qaxootiga.
Masaafurintan ayaa timid, iyadoo ay ilaa 300 oo Somali ah ku xiran yihiin Xabsiyadda Goballadda Maraykanka ee xuduudka la leh dalalka Mexico iyo Canada.
Dhinaca kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu saxiixi doono Amar ku aadan xayiraad KMG oo la saarayo Qaxootiga dib loo dejin lahaa Maraykanka iyo inaan Oggolaanshaha Dal-ku-galka Maraykanka la siin doonin qof kasta oo ka soo socdaala dalalka Somalia, Sudan, Syria, Libya, Iraq iyo Iran.
Dhowr Gacan-yarayaal u ah xubno ka tirsan Kongareeska Maraykanka iyo Khubarada Waaxda Socdaalka ee Maraykanka ayaa xog ahaan arrintan ugu soo dusiyey Wakaalladaha Wararka Caalamka.
©Xuquuqda Warkan waxa uu Khaas u yahay Radio Dalsan