Ku dhowaad shan ruux oo uu kamid yahay wariye Cabdicasiis Africa, ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaad galabta ilaa caawa ciidamo kala ah Boolis iyo Milatari ku dhexmarayay Xaafadda Busleey ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ka soo horjeedka Wasaaradda Amniga Soomaaliya.
Ilaa saddex ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaalka.
Ilo wareedyo ayaa idaacadda Dalsan u xaqiijiyay in Wariye Afrika ay dhaawac kasoo gaareen mid kamid ah Labadiisa Lugood.
Ma jirto war kasoo baxay ciidanka dowladda oo ku aadan waxa sababay dagaalka.
Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.