Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in la qaaday Xayiraaddii isbuucii hore lagu soo rogay Qaadka laga keeni jirey Kenya.
Madaxweynaha ayaa hadalkaasi kaga dhawaaqay Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kenya ku qabteen Madashii lagu soo gebagebeeyey Shir Madaxeedkii IGAD uga socday magaalladda Muqdisho.
Labada Madaxweyne ayaa yeeshay Kulan Khaas ah oo ay kaga hadleen Xiriirka Labada Dowladood, Qaddiyadda Qaadka la joojiyey iyo in dhibaatadda Rakaabka Soomaalida ee u safrayo Kenya ku qabaan Baaritaanka lagu marsiiyo Garoonka Degmadda Wajeer ee W/bari Kenya.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyey in maalinta berrito oo Arbaco ah la qaadi doono Xayiraaddii muddada Isbuuca saarnaa Duullimaadyadda Diyaaradaha shixnadah Qaadka Kenya keeni jirey magaalladda Muqdisho iyo Goballadda kale ee dalkeenna.
Go’aankaasi ayaa u muuqda mid ay ku nafisi doonaan Beeraleyda iyo Ganacsatada qaadka ka keena Kenya.