Dowladda Turkiga oo si rasmi ah uga codsatay Maraykanka in loo soo xiro Fatxullahi Gulen.

Telefishinka Turkiga ee NTV ayaa sheegay in codsi toos ah loo diray Dowladda Maraykanka si loo soo qabto Fatxullaahi Gulen oo ku nool Maraykanka, kaasi oo lagu eedeynayo inuu ka dambeeyey Afgambigii Fashilmay ee bishii July 15-dii ka dhacay Turkiga.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda ee Turrkiga ayaa lagu codsaday in la soo xiro Fatxullaahi Gulen oo isaga amray. Isla markaana hoggaaminayey Isku-daygii Afgembigii Fashilmay.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media