Kadib markii Maanta jawaab laga sugayay Wasaarada amniga Soomaaliya tas oo ku saabsaneyd dilkii dhawaan degmada Xamarweyne loogu geestay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka iyo Wiil ay dhashay Gudoomiyaha Ururkaas.
Arrinatan ayaa waxaa goordhow ku dhawaaqay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo Goordhow Saxaafada kula hadlayay Dugsiga tababarka Ciidanka Booliiska ee Jenaraal Kaahiye.
Sidoo kale Saraakiishaan waxaa lala xiray 12 Askari oo xiligii uu falka dhacayay ku sugnaa Goobta isla markaana Shaqada lahaa.
Shacabka soomaliyeed ayaa ka dhursugayay jawaabta Wasaarada amniga kadib dilkaas markii khamiistii la soo dhaafay uu Wasiirka amniga sheegay in kiiskaas dad ay xilkooda ku weyn doonaan ama uu iscasili doono