Taliska Ciidanka Booliiska Soomaliyeed ee Janaral Kaahiye ayaa waxaa Maanta  lagu soo bandhigay Taargoyinka gawaarida, bistoolado, iyo dareeska isticmaalan Ciidamada iyo sidoo kale waxyaabaha Maanka dooriya.
Howlgal ay ciidamada dowladda ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmooyinka Dharkenley iyo hodan oo ka tirsan gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay sida ay Goobta ka sheegeen Saraakiisha ciidamada Booliiska oo goobta ku sugnaa.
Sidoo kale waxaa Hubkaan iyo waxyabaaha maanka dooriya  lala soo qabtay Saddex Ruux.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo sidoo kale taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska ahna ku simaha taliyaha Ciidanka iyo taliyaha Hay’adda dembi barista CID, da ayaa Goobta ku wada sugnaa.
Haatan waxaa halkasi ka socda hadalo kooban oo ay Warabahinta siinaayan Wasiirka amniga iyo Saraakiisha ciidamada ee howlgalka qeybta ka ahaa.
Hoos ka Daawo Sawirrada