Daahir Amiin Jeezoow oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo lagu wareystay Barnaamijka gorfeynta Wararka ee ka baxa Radio Dalsan ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaalada Siyaasadeed ee dalka khilaafk Madaxda Maamul goboleedyada iyo dowladda iyo sidoo kale shirka Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in waqtigaan Soomaalida ay dhaqan ka dhigatay in qofkii Magaal ama Gobol loo Magacaabo uu moodayo in uu isaga leeyahay,isla markaana uu iksudayo in uu ku amar taagleeyo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Madaxda qof walba uu doorasho ku yimid blse ysn noqoneyn in ay iyagu leeyahihiin degaankaas iskuna dayaan in ay ku tagri falaa.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Madaxda dowlad Goboleedyada waqtigaan ay yihiin kuwo u dhaqmaya sida hoggaamiye Kooxeedyada oo kale sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Daahir Amiin Jeezoow.