DEG DEG:-Qarax Xoogan oo Goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa goordhow Qarax xoogan laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan Nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Muqdisho

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, iyadoona uu ku Qarxay Wadada aadka u mashquulka badan ee Isgoyska KM4.

Qaraxa,kadib ayaa waxaa degmooyinka Gobolka Banaadir laga arkayay uuro cirka isku shareertay,waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Ilaa iyo hada lama Oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi

La soco wixii kusoo kordha Insha Allaah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media