Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa inay gaaraan Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo ka kala socda dalal kala duwan.
Dhuusamareeb ayaa waxaa muddo ku dhow Bil ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada,isla markaana halkaas u jooga sidii dhib u heshiisiin loogu sameeyn lahaa Galmudug.
Wafdiga ka socda Beesha Caalamka ee Maanta kusii jeeda Dhuusamareeb ayaa ka kala socda Midowga Yurub, Midowga Afrika, Qatar, Jarmalka, Sweden, Norway, IGAD, UK iyo Turkey,kuwaasi oo taageero siiya dowladda Soomaaliya
Sidoo kale Wafdiga ayaa waxaa la filayaa in kulan ay la yeeshaan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,waxaana Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug laga dareemayaa diyaar garow xoogan oo lagu soo dhaweeynayo Wafdigan.
Ammaanka guud Magaalada ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana iska kaashanaya Ciidamada dowladda,kuwa dowlad Goboleedka Galmudug iyo Ilaalada gaarka ah ee Xasan Cali Kheyre.