Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayan in Goordhow halkaas lagu dilay Nin la sheegay inuu ahaa Nabadoon.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in Nabadoonka ay dilka u geysteen kooxo ku hubeysnaa Bastoolado,isagoo goobta ku geeriyooday.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Nabadoon Saciid Adoon oo ka tirsan waxgaradka Jubbaland.
Ragii ka dambeeyay Dilkiisa ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,isla markaana waxaa halkaas ku sugan Ciidamo amniga Jubbaland.