Sawirro:-Guddoomiyaha Warta-Nabadda oo dalka dib ugu soo laabatay,kadib qaraxii Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa dib ugu soo laabatay iyada oo caafimaad qabta Guddoomiyaha Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir Seynab Maxamuud Warsame Xaabsey oo ku dhaawacantay Qaraxii ka dhacay 24 July ee sanadkan ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno kamid ah dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye Seynab ayaa bilihii dambe ku maqneyd dalka qatar,iyadoo halkaas loo geeyay Xaafad Caafimaad,kadib markii dhaawac Culus uu kasoo gaaray qaraxii uu dhintay Guddoomiyihii Gobolka Banaadi Cabdiraxmaan Yariisow iyo Mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Warta-nabadda oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in aad u fiican tahay, isla markaana ay ku faraxsan tahay inay dalka dib ugu soo noqotay, iyadoona Alle u mahadcelisay.

24-ka Bishii July ee sanadka ayay aheyd markii qarax xoogan uu ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir,kaasi oo ay ku dhinteen Mas’uuliyiin badan oo uu kamid ahaa Guddoomiyiihii Gobolka Allaha u naxariistee Marxuum Eng. Yariisow.

Qaraxaas ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Guddoomiyeyaal degmo oo ay kamid aheyd Seynab Xaabsey oo dhawaciida loo qaaday Dalka Qatar,hayeeshee Maanta ay  dalka dib ugu soo laabatay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media