Radio Dalsan ayaa heshay xog ku saabsan in 12 gudoomiye waaxeed oo 3 degmo oo ka tirsan Gobolkan Banaadir in xilkii laga qaaday.
Saddexda degmoo e guddoomiye waaxeedyada ka tirsan guddoomiyaashooda xilka laga qaaday ayaa kala ah Degmooyinka Yaaqshid,Kaaraan iyo Huriwaa .
Ka qaadidooda ayaan wali faahfaahin laga bixinin sababaha keenay waxaase soo baxayey mudooyinkan in wada shaqeynta gudoomiyaha iyo waaxyaha ay hooseysay.
Sidoo kale xilka qaadistaan ayaa ku soo aadeysa xilli maalma ka hor Raรขโฌโขiisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre uu sheegay in amniga lagula xisaabtami doono guddoomiyayaasha degmooyinka.
Warkaan oo faah faahsan kala socda Radiodalsan.com