Xukun lagu riday Askari dilay Nin afur u raadsaday Xera Agoon ku taalla Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Askari ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururuka 143-aad ee Guutada 14-ka October, kaasi oo 29-kii April Sanadkan dil u geystay Marxuum Saciid Xasan Shiiqow.

Eedeysane Dable Maxamed Aadan Maxamed Gaduudow ayaa waxaa uu xabad si kas ah ugu dilay Marxuum Saciid Xasan Sheeqow, xilli uu afur u soo raadsaday Xerada Agoonta Booliska raashin loogu qaybinayay Bulshada kaalmada u Baahan.

25-kii May sanadkan ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaasi ayuu Garsoorka Ciidamada Ogolaaday in Xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan.

Baaris dheeraad ah oo ay wax uga waydiiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan iyo Ehellada Marxuumka kadib, Billowgii Bishan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday fadhigii ugu horreeyay Ee Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Aadan Maxamed Cali Gaduudow oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururuka 143-aad ee Guutada 14-ka October.

Fadhiya kala Duwan Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Saciid Xasan Shiiqow, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muunin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa Haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor