War Goordhow soo gaaray Xarunta Warqabadka Radio Dalsan ee Muqdisho ayaa waxa uu seegayaa in laba Ruux lagu dilay qeybo ka mid ah Xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid.
Koox hubeysan ayaa labadaan qof oo ku sugnaa qeybta Hoose ee Daarta Reer Wiif ee Xaafada Suuq Bacaad dilay, iyaga oo Goobta ka baxsaday.
Dadweyne farabadan iyo ciidamo ayaa Goobta gaaray ilaa iyo hadana lama oga waxa ay yihiin dadkaas la dilay.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com