Madaxweynaha dalka Uganda oo dhawaan sheegay inuu 5,000 oo Askar ah ku soo xoojin doono Hawlgalka AMISOM ayaa sheegay inay AMISOM waajib ku tahay inay tegaan Deegaanadda Alshabaab xuddunta ama Qalbiga u ah, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray in Hawlgalka AMISOM looga baahan yahay inay soo gebagebeeyaan shaqadooda ku aadan La-dagaalanka Alshabaab.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda mar uu ka hadlay sababaha uu u kordhinayo Ciiddankiisa qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, waxa uu sheegay inay tahay tallaabo muhiim u ah La-dagaalanka Alshabaab, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Alshabaab had iyo jeer dib u qabsadaan  Deegaanadda  lagala wareegay, isla marka ay Ciiddanka shisheeyaha horey ugu dhaqaaqaan Saldhigyadooda Cusub ee Hawl-gelinta, waa sida uu hadalka u yiri.
Uganda waxaa Somalia ka jooga in ka badan 6,000 oo Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM ee 10-sanno jirsaday.
where liberated areas are quickly recaptured by the insurgents when foreign forces move to new forward operational bases.
Xigasho: The Monitor, Kampala