Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa Caawa waxa ay howlgallo kala duwan ka wadaan xaafado ka tirsan degmada Shibis ee gobolkan Banaadir howlgalkaas oo dad farabadan lagu qab qabtay.
Howlgalka ayaa ciidamadu waxa ay sigaar ah uga sameynayaan Xaafadaha degmadaas kuwaas oo kala ah Waaaxda la yiraaho Calasow Dheere iyo Waaxda Axmed Gurey oo uu ku yaallo Suuqa Maana Booliyo.
Wariyaheena Salaamaan Xaaji Axmed Raage oo ku sugan qeybo ka mid ah Xaafadaha uu howlgalka ka socdo ayaa soo sheegaya in Ciidamadu ay Guryaha galayaan isla markaana la wadayo wixii rag ah ee qoyskaas xataa hadii uu yahay qof waayeel ah iyada oo dadkii ay ku qabteen howlgalkaas ay isugu keeneen goob barxad ah oo ku taalla Xaafada Calasow dheere.
Macada sababta ka dambeysa Howlgalka Caawa laga sameynayo Xaafadaha degmada Shibis balse waxa uu ku soo aadaya xili Maanta qarax Gaarigiisa loogu xiray Abuu Shiine oo ka mid ahaa Shaqaalaha garoonka Aadan-Cadde kana mid ahaa dadka D/Shibis balse uu geeriyooday markii Gaarigiisa uu ku qarxay isaga oo marayay qeybo ka mid ah D/Boondheere.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com