Hadal-qoraal oo ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa loogu baaqay Muwaadiniinta Maraykanka inay dib u eegaan Qorshahooda Ammaanka, kadib, hal maalin kadib, markii Nin Somali-Kenyan lagu toogtay meel ku dhow Safaaradda Maraykanka ee Nairobi.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Muwaadiinta Maraykanka feejignaan ka qabaan waxa ka dhacayo hareerahooda iyo dhacdooyinka gudaha Kenya iyo inay indhaha ku hayaan Wararka Gudaha ee ay Warbaahinta Kenya.
Dhinaca kale, Safaaradda Maraykanka ayaa si KMG u xiran, tan iyo markii habeenkii Khamiista Nin Somali-Kenyan lagu dilay hareeraha Dhismaha Safaaradda Maraykanka oo ku taalla Xaafadda Girgiri ee magaalladda Nairobi.
Sawiro lagu baahiyey Warbaahinta Isku-xirka Bulshadda ayaa muujiyeymaydka Marxumka la dilay oo madaxiisa dhiigayo iyo Saraakiil ka tirsan Ammaanka Kenya iyo kuwa FBI-da Maraykan oo dul taagan.
©Radio Dalsan